Helsinki Loo simanyahay

Helsinki Loo simanyahay

Waa imisa tigidka baska?

Waa sidee xaaladda boostaajada baska ee kuugu dhow?

Sidee ayuu u wanaagsan yahay dugsiga deegaankaagu?

Ma heli kartaa daryeelka caafimaadka xiliga aad u baahato oo ma heli kartaa daryeel tayo leh?

Helsinki ma tahay meel wanaagsan oo ammaan ah oo lagu noolaan karo?

Guryaha Helsinki ma yihiin kuwo qiimo jaban?

Shaqaalaha magaalada si wanaagsan ma loola dhaqmaa? Lacag fiican ma la siiyaa?

Doorashooyinkaanu waxay kugu yeelanayaan saamaynta noloshaada ugu weyn.

Dowladda garabka midig waxay jartay maalgalintii adeegyadii arrimaha bulshada iyo daryeelka caafimaadka, waxbarashada, horumarinta xaafadaha, iyo isdhexgalka soogalootiga.

Gudaha Helsinki waxaan ka samayn karnaa isbadal. Adiga oo u codaynaya Social Democratic Party (SDP), waxaad taageeraysaa siyaasadaha ku dhisan cadaaladda. Waxaan rabnaa inaan Helsinki ka dhigno mid qof walba u simanyahay—oo ah magaalo dadku ka heli karaan daryeel iyo daaweyn ayada oo uusan jirin sugitaan bilaa micno ah. Waxaan rabnaa in dugsiyadu noqdaan kuwo ammaan ah, jawi u wanaagsan caruurta iyo da’yarta oo ay wax ku bartaan iyo mid macalimiintu wax ku baraan.

Siyaasaduhu waxay mar walba ku lugleeyihiin gaarista go’aano qiimo leh. Go’aanadaanu waxay sii cuslaadaan marka maalgalinta bulshadu yartahay aysanna ku filnayn wax walba oo aan jeclaan lahayn inaan daboolno. Dawladeena hadda jirta ee garabka midig waxay Finland u wadaa jaho khaldan. Sidaa darteed, waxaa dowladaha hoose iyo adeegyada badqabka dusha ka saarantahay inay gaaraan go’aano hagaajinaya nolosha qof walba oo Finland ku nool.

Waxaan doonaynaa inaan dhisno Helsinki loo simanyahay, go’aano cadaalad ah oo maangal ah.

Doorashooyinka Dowladaha hoose – Axadda, Abriil 13, 2025

Marka aad codayso, waxaad saamayn ku yeelanaysaa dadka gaaraya go’aanada muhiimka ah ee saamaynaya noloshaada maalinlaha ah afarta sanno ee soo socota.

Doorashooyinka dowladaha hoose, waxaa wakiilada loo dooranayaa goleyaasha deegaanka, kuwaas oo go’aaminaya shaqooyinka iyo dhaqaalaha dowladaha hoose.

Xubnaha golaha iyo saraakiisha kale ee la doortey waxay awood u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan arrimaha sida:

  • Xaaladda iyo nolosha goobaha la degenyahay iyo xarumaha
  • Tayada, kharshka, iyo helitaanka adeegyada bulshada iyo daryeelka caafimaadka
  • Fursadaha hiwaayadaha iyo howlaha madadaalada
  • Tayada dugsiyada iyo adeegyada xanaanada maalintii
  • Mushaharaadka iyo xaaladaha shaqada ee shaqaalaha dowladaha hoose
  • Tayada iyo habraacyada nooliga gaadiidka dadweynaha

Yaa u qalma inuu codeeyo?

Doorashooyinka dowladaha hoose, xuquuqda codaynta waxaa iska leh dadka magaalada degen ee ah:

  • Muwaadiniinta Finland, waddamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, Iceland, ama Norway, kuwaas oona 18 sanno jir noqda ugu danbayn Abriil 13, 2025.
  • Ajaanibta kale ee 18 jirka gaarayoo si xiriir ahna ugu noolaa Finland ugu yaraan laba sanno.
  • Meelaha qaarkood, shaqaalaha Midowga Yurub iyo ururada kale ee caalamiga ah ee magaalada degen, oo la socdaan xubnaha qoyskoodu.

Codbixiyeyaasha u qalma waxay ogaysiiska codaynta ku heli doonaan iimaylka ama adeegga Suomi.fi. Macluumaad dheeraad ah ayaad ka heli kartaa suomi.fi/viestit.

Sababta loogu codeynayo SDP?

SDP wuxuu u doodaa siyaasadaha Helsinki ee ka fakaraya qof walba oo deegaan ah. Wada-xaajoodkii ugu danbeeyay ee miisaaniyadda magaalada, waxaan:

  • Ka hortagnay soo rogista kharashka xarumaha caafimaadka waxaana xaqiijinay damaanad daryeel oo 14 maalmood ah
  • Meel dhignay €5 milyan oo ah maalgalinta mushaharka iyo barnaamijyada haynta shaqaalaha
  • Ilaalinay guryaha qiimaha jaban ee Helsinki
  • Sii wadnay dadaalada xaqiijinta tayada waxbarashada
  • Wax ka qabanay kororka faqriga caruurta
  • Fursado u helnay howlaha hiwaayadaha iyo madadaalada ah
  • Kordhinay maalgalinta deeqaha dhaqanka

Xaataa waxaan ku tala jirnaa inaan intaan in ka badan gaarno; si aan sidaas u samayno, waxaan kaaga baahanahay codkaaga iyo mataalada xoogan oo golaha deegaanka ah. U codaynta SDP waa u codaynta Helsinki loo simanyahay.

Jadwalka Doorashada Dowladaha hoose ee 2025

Maalinta Doorashada: Axadda, Abriil 13, 2025

Codaynta lasoo hormariyo ee gudaha Finland: Abriil 2–8, 2025

Codaynta lasoo hormariyo ee dibadda: Abriil 2–5, 2025

Codbixiyeyaashu waxay sii hormarsan karaan codkooda ama waxay dhiiban karaan maalinta doorashada. Inta lagu jiro xiliga codaynta hormariska ah, waxay codayntu ka dhici kartaa xarun walba oo codka lagu bixiyo. Maalinta codaynta, waxaa codaynta kaliya laga oggolyahay xarunta codaynta ee loo qorsheeyay.

Macluumaadka ku saabsan xarunta codaynta loo qorsheeyay maalinta codaynta waxay ku qorantahay ogaysiiska codaynta iyo, laga bilaabo Maarso 18, 2025, adeega xarunta codaynta Digital and Population Data Services Agency.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codaynta, kala xiriir lambarka adeegga ee bilaashka ah:

0800 9 4700 (Finnish iyo Ingiriisi)

0800 9 4771 (Swedish iyo Ingiriisi)

WhatsApp: 050 438 8730